Yahuudda oo cabsi ay ka qabto Al-Shabaab u joojisay in safaarad ay ka furato Hargeysa.

Saturday October 24, 2026 - 17:42:54
MeMO Staff
Warbaahinta Faransiiska ee Africa Intelligence ayaa sheegtay in joogitaanka diblomaasiyadeed ee Yahuuddu ku leedahay Somaliland uu weli yahay mid aan muuqan, iyadoo laga cabsi qabo in xarumaheeda diblomaasiyadeed ay bartilmaameed u noqdaan weerarro kaga yimaadda jihaadiyiinta Al-Shabaab ama Xuutiyiinta Yemen.
Sida ay warbixintu xustay, inkastoo R/Wasaaraha Yahuudda, Binyamin Netanyahu uu maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland aqoonsaday bishii Diseembar 2025, haddana ilaa hadda ma jiro qorshe dhow oo lagu furayo safaarad Sahaayinadu ku yeelato Hargeysa.

Danjiraha Yahuudda u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, ayaa booqashooyin kooban oo aan la shaacin ku tagay Hargeysa, balse weli wuxuu shaqadiisa ka wadaa magaalada Qudus oo Yahuuddu ay xoog ku haysato, iyadoo aan loo qoondeyn miisaaniyad joogto ah.

"Waqti-xaadirkan, ma jiro dhisme la kiraystay oo loogu talagalay in laga furo safaarad Yahuudda oo joogto ah oo Somaliland ku taalla, mana jirto xitaa meel la raadinayo oo arrintaas loo diyaariyo….” Ayaa lagu yiri warbixinta Africa Intelligence.

Warbixintu waxay xustay in Yahuuddu ay Somaliland u dirto khubaro ku takhasustay amniga, iyadoo in ilaa hadda ka gaabsanaysa in safaarad ay ka furato Hargeysa, cabsi ay ka qabto weerarro uga yimaadda jihaadiyiinta Al-Shabaab iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Dabayaaqada usbuucii hore ayay ahayd markii safiirka Itoobiya u qaabilsan Yahuuddu uu isna waraysi lala yeeshay ku caddeeyey in sababta Addis Ababa ilaa hadda u aqoonsan la’dahay maamulka Hargeysa ay tahay cabsi laga qabo weerarro Al-Shabaab ku qaaddo Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences